soo bixi
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo bixi
-yey / say: (v) take out (teeyk awt); remove (ri-muuv); pull out. Ex: talaajadda ka soo bixi; take out from the refrigerator [fridge] ~ soo saar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birxarbi
(Birxarbi-da)
Bir dhuuban oo dheer oo dhuunta buntukha lagu sifeeyo, wixii ku go'ana lagaga soo bixiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyabbax
(Biyabbax-a)
Biyaha laboodka imaatinkooda, soo bixiddooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Butaacid
(Butaacid-da)
(biyo, kd.) si xoog badan u soo bixid ama u soo kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caadbixid
(Caadbixid-da)
Dibad ama bannaan u soo bixid; wixii uurka ku jirey sheegid; qarsoodi ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabbur
(Cabbur-ka)
Sanka oo durey ama sabab kale la xirma oo neefta soo bixiddeedu dhib noqoto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carfid
(Carfid-da)
Ur udgoon soo saarid, ka soo bixid, yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceego
(Ceega-da)
(qof) hunguriga, si xoog leh ugu dhegid, si neeftu uga soo bixi weydo oo uu u dhinto ama ku dhowaado; cunaqabato; miijis; mirjis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirroobid
(Cirroobid-da)
Cirro yeelasho; cirro ka soo bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cunaqabad
(Cunaqabad-ka)
Hunguri qabasho si neeftu u soo bixi weydo; ceego; miijis; mirjis, sirir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daahirid
(Daahirid-da)
Soo bixid; muuqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalicid
(Daalicid-da)
Kor u soo bixid; soo fuulid; soo daalacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadabsi
(Dadabsi-ga)
1. Leexsasho; duufsasho.
2. Xumaan ugu soo bixid; isku taagid; daandaansi; doolaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daddaab
(Daddaab-ka)
1. Qalab gaar ah (ul farrarro leh) oo malabka lagu soo bixiyo.
2. Gacanqabad weelka qaarki loo yeelo siiba kuwa gadowga leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabbayn
(Dhabbayn-ta)
1. Dhabbe marid; qoodayn; socod.
2. Dhabbe ka dhigid.
3. Habka xaskusha loo tumo qaarkiisa danbe: waa tumidda labaad oo ku xigta god ka soo bixinta, oo laga dhigo wax xallefsan, oo kolka qorraxda lagu waro durba engega.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabiilid
(Dhabiilid-da)
Dhabiil la soo bixid; xisaabtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalasho
(Dhalasha-da)
1. Ifka ama dunida imaansho, u soo bixid.
2. Bilaabasho.
3. (bil) soo bixid; bilasho.
4. (cayaar) gool; duq, kd., helid, keenid.
5. Nasab; gobannimo.
6. (wada dhalasho) isku aabbe iyo hooyo ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalin
(Dhalin-ta)
1. Ilmo ka ummulin, ka keenid, ka soo bixin.
2. Wax aan hor u jiri jirin keenid ama samayn; curin; abuurid; uumid; alkumid; hindisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiimid
(Dhiimid-da)
Dhiin ka soo bixid; dhiin noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhirindhirin
(Dhirindhirin-ta)
1. Qodax ama waxyaalo kale, si aayar ah oo farsamo badan, oogada uga soo bixin.
2. (ku soo dhirindhirin) si miyir iyo farsamo badan qof wax uga soo saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibbad
(Dibbad-ka)
1. Dibbasho; dhixid.
2. Habeenka bisha dayaxa ugu danbeeya oo dayuxu qarsoomo oo uusan soo bixin; (ama dubbad).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo bax
v. come out; rise (of sun, planet ~ star)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo bax
-ay / day: (v) come out; rise (raays) Ex: qorraxdu waxay ka soo baxdaa bari; the sun rises from the east
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo iibi
v. buy
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isku bixi
v. continue, not interrupt, allow something to go on
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo baxso
v. take out for oneself; serve oneself
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Soo dirid
Spedizione
Forwarding
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Shaqo bixin
Offerta di lavoro
Work offer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soobil
-ka: (magac, lab, keli) Inan faydfeydata oon is mashashuurin: gabadh aan rag sholdhohaysan oo gunti gaabsi iyo garbo qaawin ku adeegta. Dh: walasaqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soobir
m. n. large male antelope; young man {poetic}
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soobir
-ka: (magac, lab, keli) qof qaawan oo farammadhan; caydh; mahaysato.
soobir-ka: (magac, lab, keli) tulud geel oo tebaadda, gool aad u naaxa oo baruur xidhma. Geel kala samcane waanigii soobir gawracay e. Dh: gool, tebaadi. Li: caato, soobil.
soobir-ka: (magac, lab, keli) wiil soorays ah oo geela lagu aammino welise qaangaadh ahayn. Dh: qoofil, kuray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soobir
de: large male antelope; young man {poetic}
initial: s
lx: soobir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: soobir
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u bixi
v. make an offering on behalf of (a dead person)
u bixi v. make someone be confronted by another; cause (people) to compete
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
codbixi
f.mg2 (-iyay, -isay) Wax la dooranaayo cod ka dhiibasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
codbixi
f.mg2 (-iyay, -isay) Wax la dooranaayo cod ka dhiibasho. m.dh, codbixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
codbixi
v. vote; make a noise, make a sound
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
codbixi
-yey / say: (v) cast a vote; vote (vowf)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
codbixi
(fal) doorasho ka qaygal oo qofka aad rabto dooro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
codbixi
de: vote; make a noise, make a sound
lx: codbixi
pd: (codbixiyey)
ps: v2a=tr
key: codbixi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo mir
v. graze one's livestock at night
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soo_bax
de: come out; rise (of sun, planet or star)
initial: s
lx: soo bax
pd: (baxay)
ps: v1=expr
key: soo_bax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soobbax
-a: (magacwadareed) nabarrada buurbuuran ee sida maasha ah ee dadka ka soo baxa. Dh: dhullax, saanfuur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo celi
v. repeat; return (something to the owner)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo celi
-yey / say: (v) return (ri-teern); bring back ~ dib u soo celi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo deji
v. import
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo deji
-yey I say: (v) 1. take down, unload (teeyk dhaawn) 2. import (im-poort)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo jiid
-ay/een/nay: (v) pull (puul) ~ soo dhifasho
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo wari
v. report on, about ~ from
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soo_iibi
de: buy
initial: s
lx: soo iibi
pd: (iibiyey)
ps: v2a=expr
key: soo_iibi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wax bixi
v. give ~ offer something
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koorabixis
m.l Bir dhuuban, daab xooggan leh oo weelasha lagu xordo.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
u soo baxa
to qualify
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorbidid
m.f.dh eeg doorbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorbidid
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan, mid ka dhexdoorasho oo inuu ka fiican yahay u arkid. Dh: faddilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorbidis
-ta: (magac, dhedig, keli) doorashada wax aad jeceshahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foolbaxsi
(Foolbaxsi-ga)
1. Sharuurka subaxdii la dubo oo la marsado; quraac; hamuuntir.
2. Cararka hashu foosha la cararto; foolcarar; foolhallow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolbaxsi
m.l la-mid: foolbaxsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foolbaxsi
m. n., [compound] agitated circling movements of a pregnant camel prior to giving birth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolbaxsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg foolbaxsad.
foolbaxsi -ga: (magac, lab, keli) sharuurka subaxii la dubo oo la marsado. Dh: hamuuntir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foolbaxsi
de: agitated circling movements of a pregnant camel prior to giving birth Also see: foolbaxsasho
lx: foolbaxsi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: foolbaxsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibobbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef dhalay furaggalaha ka saarid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isku_bixi
de: continue, not interrupt, allow s.t. to go on
lx: isku bixi
pd: (bixiyey)
ps: v2a=expr
key: isku_bixi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kala bixi
v. separate, divide (into groups); classify
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kala bixi
-yey / say: (v) unroll (anrool); stretch (istareej); open something rolled up ~ fidi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
motootixi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: mataatixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorabixis
m.l Qalab bir ah oo weelasha qoriga ah gudaha looga qoro; xalleefato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakabixin
-ta: (magac, dhedig, keli) sakada waajibtay. bixin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax la wada yaqaan ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaacbixi
v. reveal, make something public
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaacbixi
de: reveal, make s.t. public
initial: s
lx: shaacbixi
pd: (shaacbixiyey)
ps: v2a=tr
key: shaacbixi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sibiibixi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax meel siman ama qoyan ku taraarixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibiibixi
(fal) meel lagu silbado ka dhig; sibiibixo ka dhig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo caari
v. wash ashore, be left behind by the tide
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Soo celin
Restituzione; rimborso
To return; refund
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
SOO DEJIN
Sbarco
Unloading
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo gaabi
-yey / say: (v) shorten (shoorten); nake short; summarize (samaraayz); abbreviate; be concise ~ soo-koobid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
SOO GELID
Carico
On charge

Soo gelid
Entrata, carico
On charge
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo gudbi
v. relay, pass this away
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo ifbax
v. rise, arise, spring up, come to light; achieve fame, become important
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo jeedi
v. propose
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo jeedi
-yey I say: (v) 1. turn or place with the front toward the speaker's direction; face (feeys) 2. propose (para-pows); suggest (sa-jast); put forward a suggestion; discussion, or proposal
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
SOO RARID
Imbarco
Loading

Soo rarid
Caricamento
Loading
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soo_baxso
de: take out for oneself; serve oneself
initial: s
lx: soo baxso
pd: (baxsaday)
ps: v3a=expr
key: soo_baxso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caloolbixid
(Caloolbixid-da)
Calooshoo inta dhaqaaqda baxda; shubmid; dooxmid; falmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolbixid
m.f.dh eeg caloolbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolbixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg caloobax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galoobbixid
(Galoobbixid-da)
Meel dad badani gela hayo dad kaloo badanina ka baxa hayo, is-dabammarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoobbixid
m.dh la-mid: galaabbixid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo bandhig
-ay I tay: (v) exhibit (ig-zibit); display (dis-paleey); present (para-sent)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toddobabixi
f.g2 (-iyay, -isay) Laba qof oo is aroosay toddobaadkii arooska u shaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toddobobixi
(fal) u samee arooska meel uu u baxo todobo cisho ayaa u dhamaatee. Ku todobo bixi arooska hoteel kanbayski.